Soomaali laga sii daayay Xabsi ku yaala Uganda

Muqdisho(Keydmedia) Ciidamada amaanka Dalka Uganda ayaa xabsiga ka sii daayay 6 qof oo Soomaali ah kuwaas oo ka mid ah dadkii loo qabqabtay qaraxyadii ka dhacay Dalkaasi 11 July ee sanadkan.
News Keydmedia Online

Lixda qof ee Ciidamada Uganda ay xabsiga ka sii daayeen ayaa waxaa ka mid ahaa wariye Bile C/llaahi oo ka mid ah wariyaasha Soomaaliyeed ee ka barakacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Soomaalida ku nool Dalka Uganda ayaa sheegtay in xaalada caafimaad ee maxaabiista la sii daayay ay aheyd mid caadi ah walow ay mudo xuriyadooda ka maqneed isla markaana ay xabsi ku jireen.

Wararku waxa ay sheegayaan in dadaal aad u weyn ay u galeen sii deynta muwaadiniinta Soomaalida ah  jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Dalkaasi kuwaasoo dadaal dheer u galay sidii dadkaasi ay xuriyadooda u heli lahaayeen.

www.keydmedia.net