Soomaali magangalyo laga siiyay Musanbiik

Musanbiik(keydmedia) Gobalka ku yaala Waqooyga Dalka Musanbiik oo lagu magacaabo Nambuula ayaa lagu qaabilay muhaajiriin tiradooda ay gaareyso 700 oo Afrikaan ah.
Warar Keydmedia Online
Soomaali magangalyo laga siiyay Musanbiik

Muhaajiriintan ayaa isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan waxaana la xaqiijiyay in badanka dadkaasi ay u dhasheen Dalka Soomaaliya waxayna dalbadeen magangalyo Siyaasadeed in la siiyo maadaama dhibaato badan ay jirto Dalka Soomaaliya.

Soomaalida tahriibta ku gasha Dalka Musanbiik oo kolka hore weydiisto magangalyo siyaasadeed ayaa hadana muda kadib waxa ay bilaabaan safar ay ku gaarayaan Koonfur Afrika halkaasoo ay u arkaan fursad shaqo oo wanaagsan.

Mudada safarka ay ku jiraan ayaa Soomaalida waxa ay la kulmaan dhibaatooyin badan iyagoona kolka ay gaaraan Koonfur Afrika Dil iyo isir naceyb xoog leh ay wajahaan.

Www.keydmedia.net