Soomaalida Koonfur Afrika oo dib ugu laaban karaan Dalka

Nairobi (KON) - Kadib wadahalo ay la yeesheen Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi iyo Wafdi kasocda Dowladda Federalka ah ee Soomaaliyaa, ayay Dowladda Koonfur Afrika u ogolaatay Soomaalida ku sugan Wadankaas inay Dib ugu laaban karaan Dalkooda.
Warar Keydmedia Online
Soomaalida Koonfur Afrika oo dib ugu laaban karaan Dalka

Soomaali u badan dhalinyaro ayaa muddo bil ku dhawaad ku xayirnaa Magaalada Johansburg.

Dhawaan ayaa la filayaa inay labada dal kala saxiixdaan heshiis ku aadan xaga socdaal, Aqoonsiga Baasaboorka iyo heshiisyo kale oo muhiim u ah labada dal.

Dawladda Koofur Afrika ayaa dhawaan is hor taagtay bixitaanka Soomaalida dooneysa in ay dib dib ugu noqoto dalkeeda.

Dawladda Koofur Afrika ayaa ku Xidhay Soomaalida ku dhaqan Dalka Koofur Afrika in ay la yimaadaan Baasabooro Cusub iyadoona diiday in ay aqbasho ama u Fiiseyso Baasabooradii ay hore u haysteen.