Soomaaliland oo sharci ka soo saareysa Calanka Soomaaliya

Mid ka mid ah xisbiyada ka jira Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in dhawaan la hirgelin doonta sharci banneynaya xarigga qofkii lagu arko calanka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Soomaaliland oo sharci ka soo saareysa Calanka Soomaaliya

BOORAMA, Soomaaliland - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe, oo safar ku maraya qaar ka mid ah gobooladda waqooyi ee Soomaaliya, ayaa sheegay in maamulka uu hoggaamiyo Muuse Biixi uu dhawaan soo saari doono sharci dambi ka dhigaya in gudaha Somaliland lagu sito calanka buluugga ah ee Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe, oo la hadlayay dad dhallinyaro u badan oo ku soo dhaweeyay Magaalo Madaxda gobolka Awdal, ee Boorama, ayuu ku yiri, “Sharci baa la soo saaraya, qofkii lagu arko in uu sito calanka Soomaaliya dambigeeda waa la qoraya, xeer baa laga soo saaraya, oo waxaa la horgeyn doona golaha cusub,”.

Maamulka Soomaaliland ayaa caan ku ah xarigga dadka lagu arko Calanka Soomaaliya, dhawaan ayayna ahayd markii ku dhawaad 50 dhallinyaro ah oo u dabaal dagayay 26-kii Juun, xirtayna calanka loo taxaabay xabsiyada.

Feysal Cali Waraabe, ayaa caan ku ah hadallada ceynkaan ah, iyo eragada ka dhanka ah jiritaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.