Soomaaliland oo xirtay xildhibaan ka tirsan dowlada Soomaaliya

Muqdisho (KON) - Maamulka Soomaalilad ayaa xiray mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii uu tagay deegaanada Soomaaliland.
Warar Keydmedia Online
Soomaaliland oo xirtay xildhibaan ka tirsan dowlada Soomaaliya

Xildhibaan Jaamac Maxamed oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya aaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada maamulka Soomaaliland sida la sheegay ka dib markii uu deegaanka Gibilay uu ugu tagay xaaskiisa iyo caruurtiisa.

Arintaan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo Soomaaliland ugu baaqay in ay sii saydo xildhibaankaan.

Ilaa iyo iminka maamulka Soomaaliland wax faah faahin ah kama uusan bixin xariga xildhibaan Jaamac Maxamed oo ka mid ah baarlamaanka Soomaalilaya.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho