Soomaaliya iyo Kenya oo kawada hadlay xiriirka labada dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo xiriirkoodu xumaa bilihii na dhaafay ayaa hadda kawada hadlaya muhiimadda ay leedahay in la wanaajiyo xiriirka labada dal 

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya iyo Kenya oo kawada hadlay xiriirka labada dal

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdirisaaq iyo Raychelle Omamo ayaa khadka taleefanka ku wada hadlay, iyagoo is weydaarsaday dhambaallo diirran oo is faham ah kuwaasoo udhaxeeya labada dhinac oo xilliyadii udambeeyay xaaladdoodu sii xumaaneysay.

Labada wasiir ayaa waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in si deg deg ah dib loogu furo safaaradaha Kenya iyo Soomaaliya ee Nairobi iyo Muqdisho, waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal kaasoo sii xumaanayay afartii sano ee uu Madaxweynaha dalka ahaa Maxamed Farmaajo.

Labada Wasiir ayaa muujiyay rajo wanaagsan oo laga qabo dhinaca ganacsiga, amniga iyo xiriirka dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Iyadoo labada ay yihiin laba dal oo daris ah, inkastoo uu jiro muran xuduudeed berriga iyo biyaha, haddana labada dal waxay si aad ah isku sii dhex galeen soddonkii sano ee udambeysay oo dalka Soomaaliya ay ka billiwdeen colaado daba-dheeraaday, taasoo sababtay in qaxooti fara badan ay gudaha ugalaan waddanka Kenya.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa si aada ula diriray diwladda Kenya ilaa ugu dambeyn uu xiriirka ujaray dowladda Kenya taasina waxay sababtay in Kenya ficil ugu jawaabtay, waxayna gantaallo ku garaaceen shacab danyar ah iyo shirkado Soomaaliyeed oo ku sugan gobolka Gedo.

Ergayga Soomaaliya ufadhiya Qaramada Midoobay ayaa shirkii weynaa ee golaha kusoo bandhigay dhibaatooyin loo geystay dad shacab ah oo ubadnaa caruur kuwaasoo dhammaantood lagu xasuuqay gantaallo ay soo rideen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.