Soomaaliya iyo QM oo kawada hadlay dib-u-habeynta dhaqaalaha

Dowladda Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xaaladda dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah ee Covid-19

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya iyo QM oo kawada hadlay dib-u-habeynta dhaqaalaha

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wakiilka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Dib-uhabeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo Kajawaabidda xaaladaha deg-degga ah ee Covid-19.

Kulanka dhex maray labada dhinac dhex maray ayaa looga wada hadlay aaladda fogaan aragga, waxaana labada xafiis ay isla gorfeeyeen arrinta dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya taasoo ay wasaaraddu sheegtay in ay door fiican ka qaadatay, islamarkaana laga gaaray horumar fiican kordhinta dakhliga dalka iyo hagaajinta nidaamka canshuur bixinta.

Sidoo kale waxaa kulanka looga dooday qodobka labaad oo isna muhiim u ahaa kaasoo ku saabsanaa ka jawaabidda xaaladaha deg-degga ah ee Covid-19, Caabuqa Corona Virus oo dalka Soomaaliya kusoo laba-kacleeyay ayaa sababay dhimashada dad badan oo qaarkood loo waayay qalabkii caafimaad ee lagula tacaalayay bukaanada qaba xanuunka ee buuxa Isbitaalada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.