Soomaaliya oo ku gacan seyrtay Warbixinta Gudiga IGAD

Dowladda Soomaaliya ayaa dhiggeeda Jabuuti ku eedeysay in ay ka xaglisay Soomaaliya lana jirsatay Kenya.

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya oo ku gacan seyrtay Warbixinta Gudiga IGAD

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe oo warbaahita la hadlay ayaa sheegay in DF aysan ku kalsooneyn warbixintii laga sugayey guddigii xaqiiqo raadinta IGAD ee loo xil saaray baaritaanka wararka sheegaya in Kenya Malleeshiyaad Soomaali ah ku tababareyso Mandheera.

Wasiirka ayaa xusay in Gudiga uu ka been sheegay wax-yaabihii ay la wadaagtay dowladda Soomaaliya markii ay December 2020 yimaadeen Muqdisho, oo ay dhageysteen tabashadda dowladda.

Dubbe wuxuu sheegay in Guddigu uusan dhexdhexaad ahayn, islamarkaana warbixintiisa xambaarsan tahay xogta hal dhinac, oo ula jeedo Kenya, iyadoo ay ka maqan tahay mida dowladda Soomaaliya.

Gudiga ayaa dhawaan u gudbiyay Warbixinta Madaxweynaha Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle, waxaana markii la faafiyay Maanta ay dowladda Soomaaliya ku noqotay fajac iyo amakaag.

Wasiirka Warfaafinta wuxuu guddiga ku eedeeyay in dhamaan warbixinta laga soo xogtay Monica Juma oo ah wasiirka Gaashaandhigga Kenya, wuxuuna tilmaamay inuu filayo in Monica Juma ay iyadu warbixintaan soo saartay, hayeeshee uu Guddigu qarinayo.

“Guddigu hal dhinac warkiisa ayuu qaatay, annaguna waan diidnay, laba jeer bay Kenya ku noqdeen, Mandheera ayay tageen, waxaa laga baryay Balad-Xaawo in ay usoo gudbaan waa diideen, markay Xamar yimaadeen baa la yiri aan Baled-Xaawo idin geyno, iyaduna waa diideen," Ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Wasiir Dubbe, ayaa sheegay in Jabuuti ay sameysay wax aysan ka fileyninin Soomaaliya, lana jirsatay Wadanka Kenya oo uu cadow ku tilmaamay.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya wuxuu carrabka ku adkeeyay in Jabuuti ay meel kaga dhacay walaalnimada Soomaaliya kala dhaxeysay, wuxuuna ka dalbaday in ay ka laabtaan warbixinta aan cadaaladda ahayn.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.