Soomaaliya oo wajahaysa xaalad bini’aadannimo oo halis ah

Kumaan kun oo qof ayay saameysay abaarta oo meesha ugu daran ee ay ku dhufatay ay kamid yihiin Jubbada Hoose iyo Gedo oo ku dhaw xadka Kenya.

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya oo wajahaysa xaalad bini’aadannimo oo halis ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa qarka u saaran inay ku dhufato sanadka 2022 macluul kamid ah midii 2011, sida ay sheegeen hay'adaha gargaarka caalamiga.

Abaarta ayaa si aad ah u saameysay dadka xoolo-dhaqatada iyo beeralayda ku nool Koonfurta, gaar ahaan Gedo iyo Jubbada Hoose, halkaasii dadka gaajo iyo haraad u dhimanayaan.

Kumaan kun oo qof ayaa xoolahooda ku waayay abaarta, waxayna wajahayaa xaalada bini'aadanimo oo khatar ah, waxaana lasoo wariyay dhowr qof in gaajo u dhinteen duleedka Luuq.

Ma jirto gurmad dowladda Farmaajo u dirtay shacabka abaarta ku dhufatay, iyadoo sidoo kale hay'adaha gargaarka ay qaylo-dhaan dhaafsiisnayn kaalmadooda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa balan-qaadey 2 milyan inuu ugu deeqay Soomaaliya si loogu caawiyo dadka abaarta ku dhufatay, iyadoo dowladda Ingiriiska iyana ay sameysay balan-qaadkan oo kale.

Xukuumadda Rooble ayaa gudi magacawday todobaad kahor, kaasoo illaa hadda tagin meelaha dhibka ka jiro, waxaana xusid mudan in aan jirin isku-dabarid howlaha gargaarka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.