Soomaaliya oo xuseysa Sanad-guuradii 3aad ee Qaraxii Zoobe

Wuxuu ahaa qarax lagu tilmaamay midkii ugu waynaa oo casrigan ka dhaca Caalamka, iyadoo khasaaraha oo geystay xasuuq murugo leh ku reebay quluubta Shacabka Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya oo xuseysa Sanad-guuradii 3aad ee Qaraxii Zoobe

MUQDISHO, Soomaaliya - Saddex sano ayaa maanta kasoo wareegatay qaraxii ka dhacay Zoobe, 14-kii October sanadkii 2017, kaasoo ay ku dhinteen 578 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 316.

Qaraxan waxaa loo adeegsaday Gaari nooca xamuulka ah, wuxaana lagu soo diyaariyay degmada Buulo-Fulay, ee gobolka Baay, isagoo lasoo marsiiyay baro-koontarool oo Ciidanka dawladda gaadiidka ku baaraan, oo Ex-control kamid yahay.

Xili galab ah, oo saacduna ku beegan tahay 3pm ayuu ka dhacay Isgoyska oo waqtigaas mashuul badan uu ka jiray, islamarkaana gaadiid iyo dadweyne wadada ay marayeen, taasoo keentay in khasaaraha uu aad u bato.

Gaari isagoo xowli ku socda oo la eryanayay ayaa ka yimid dhinaca Isgoyska Banaadir, wuxuuna kusoo jihaysnaa KM-4, balse markii wadada ku xirantay uu is-qarxiyay. Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka uu ahaa Saldhiga Ciidank ee Turkiga.

Daqiiqado kadib, gaari kale oo NOAH ayaa ku qarxay wadada dan-wadaagta ee Xaafadda Buula-Xuubey, kaasoo ninkii wadey la qabtey isagoo nool, waxaana la toogtay sanad-guuradii kowaad Oct 14, 2018.

Ma jirto wax tallaabo ah oo dawladda qaadey iyo cashar laga bartay musiibaddan, iyadoo ay xusid mudan tahay in weerarka uu dhacay 5 bilood kadib markii uu Farmaajo shacabka Soomaaliyeed u balan-qaadey inuu mudo 2 sano gudahooda dalka uga sifeynayo Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.