Soomaaliya oo kaalinta 1-aad ka gashay Dalalka lagu dilo Wariyaasha

NEW YORK (Keydmedia) - Xoghaya Guud ee Q/M Ban Ki-moon ayaa hormuud ka noqday Maanta Walaaca Beesha caalamka ee ku aadan Korarka Dilalka iyo Dhibaatooyinka ka dhanka ah Suxufiyiinta ka howlgala dalalka ku yaalla Caalamka, iyagoo ku gudo jira Howlahooda shaqo.
Warar Keydmedia Online
Soomaaliya oo kaalinta 1-aad ka gashay Dalalka lagu dilo Wariyaasha

Ban Ki-Moon ayaa ka sheegay kulan loogu dabaal degayay Maalinta Xurriyadda Saxaafadda Caalamka oo ka dhacday Xaruunta Q/M ee magaalada New York ee dalka Maraykanka,in Saxafiyiinta ay la kulmayaan xilligan Khatar dhinaca noloshooda ah, isagoo intaasi ku daray in Sanadkii 2011 la dilay in ka badan 60 Weriye.

Xoghayuhu Wuxuu sheegay in Suxufiin badan ay la kulmayaan Tacadiyo isagu jira Handadaad, Dil iyo Caburin xagga Xuriyadda hadalka ah oo ay kala kulmaan dowladaha iyo Shaqsiyaadka Awoodda ku leh dalalka ay ka shaqeeyaan.

Dalka Soomaaliya oo kaalinta 2-aad ka galay Dalalka lagu dilay Sanadkan Weriyaasha ugu badan ayaa Ban Ki-moon wuxuu ugu baaqay dhamaan dhinacyadda Siyaasadda Soomaaliya inay ilaaliyaan Amaanka Suxufiyiinta, islamarkaana ay cadaaladda horkeenaan kuwii geesta Dilalka Arxan darridda ah ee loo geysanayo Bahda Saaxafadda Soomaaliyeed.

Farhan Jeemis Abdulle, oo ahaa Weriye ka howolgali jiray Idaacadda Daljir ayaa noqday Weriyihii 5-aad ee ugu danbeeyay ee lagu dilo dalka Soomaaliya tan iyo bilowga Sanadkan aynu ku jirno ee 2012. Somalia kaalinta 1-aad , Syria kaalinta 2-aad.

Dalalka Syria, Iran, China, Eritrea, Azerbaijan,N. Korea iyo Somalia ayaa noqday dalalka ugu badan ee lagu dhibaateeyo Suxufinyiinta,waxaana warbixin ay soo saartay Hay’adda Difaaca Weriyaash (Reporters Without Borders) lagu sheegay in 280 Weriyaal ah lagu xiray dalkaasi.

Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi