Soomaaliya oo Xalineysa Colaada Koofur Sudan? - Fowsiya oo u duushay Jubba

Muqdisho (KON) - Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa Maanta u ambabaxday Magaalada Jubba, si losoo Afjaro Dagaaladda ka socda Dalka Koofur Sudan.
Warar Keydmedia Online
Soomaaliya oo Xalineysa Colaada Koofur Sudan? - Fowsiya oo u duushay Jubba

Fowsiya Yuusuf Xaaji oo kamid ah Wafdi uu diray Ururka IGAD ayaa u xil saaran, sidii losoo afjari lahaa Dagaalada Maalmahaan ka socda Dalka Koofur Sudan oo dhawaan ka go'ay Suudaan.

Urur Goboleedka IGAD ayaa Shan Wasiirro u diray Magaalada Jubba, si ay usoo Xaalada Dalka iyo Dagaaladda ka socda.

"Waxaan ku faraxsanahay in IGAD ay shaqadaas noo dhiibtay, waxaana ka keeni doonaa Guul anakoo ku Dadaali doono sidii aan u Qaboojin laheyn Dagaalada halkaasi ka socda" Ayey tiri Fowsiya Yuusuf Xaaji intii aysan u ambabixin Magaalada Jubba.

Shanta Wasiir oo Arintaan loo xilsaaray ayaa ka kala socda Dalalka Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya iyo Uganda.

"Koofur Suudaan waa Dal Da'a yar, waxaana ka Cabsi qabnaa oo aan dooneynaa in aan kahor tagno in Dalkaas uu ka bilowdo Dagaal Sokeeye" Ayey tiri Marwo Fowsiya.

Soomaaliya oo Xalineysa Colaada Koofur Sudan?

Koonfur Sudan waxaa ka socda Dagaal u dhaxeeya dowladda iyo koox ka soo hor jeedda.

Mas'uuliyiin iyo Xildhibaanno ayaa isweydiinaya Sababta Soomaaliya ay ugu gurmaneyso Colaada ka jirta Koofur Sudan, ayadoo aan wali xal u helin Colaadda hareereesay Dalka Soomaaliya.

"Jubbooyinka, Gobolada Dhexe, Shabeeladda Hoose waa gubanayaan oo waxaa ka socda Dagaalo, sidee bay ku dhacday in Dowladda Soomaaaliya oo ayada isku mashquulsan, ay u hanqal taagto Daminta Dab dal kale ka kacay" Ayuu yiri Xildhibaan la hadlay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho.

"Waxaa moodaa in ay Arintaas u egtayhay sidii Ninkii arki jiray Bidaarta Dadka kale, tiisunah aysan u muuqan"

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho