Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Suldaanka ayaa waxa uu sheegay in AMISOM si aan ka fiirsi laheyn ay maalin waliba u duqeeyaan goobaha shacabku ku badanyahay taasina aysan aheyn nabad ilaalin ee ay tahay xasuuq loo bareeray.
Suldaan Cali Suldaan Axmed Nuunr ayaa, dhanka kale, dowalada waxa uu ugu baaqay in ciidamada shacabka ku baarta iyaga oo wata tuutaha ciidanka dowlada Soomaaliya lagu yaqanno ee calanka Soomaaliya uu ku dehganyahay ay wax ka qabato.
Waxa uu ugu danbeyntii Suldanka oo saxaafada kula hadlay Muqdisho uu sheegay in amaanka dalka lagu heli karo daacadnimo waxa uuna si kulu u weeraray odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye oo uu ku sheegay in ay matalin Hawiye ee hawiye uu leeyahay dhaqan soo jireen ah qabiil walibana uu leeyahay Suldaan, Ugaas, Malaaqa ama imaam, Odayasha ismagacabayna ay iyagu yihiin kooxo isbaheysatay oo dooneysa in ay wasakheeyaan shaatiga Hawiye.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments