Suugaanta Dr. Bashir M. Xirsi & C. Hilowle Galeyr - #1 - “Dareen”

Waa Maanso gaaban oon ugu magac daray “Dareen”, soona baxday 05/12/2009-kii, Waxay daahfur u ahayd Deelleyda Qarniga 21-aad, halka Silsiladdii Deelleydii hore ay ahayd Silsiladdii qarnigii 20-naad ee tagay, ayna ka qaybqaateen abwaanno ruugcaddaa ah.
Warar Keydmedia Online
Suugaanta Dr. Bashir M. Xirsi & C. Hilowle Galeyr - #1 - “Dareen”

Diiwaanka silsiladdu waa: “Diiwaankii Nabada iyo Deellaydii Qarniga 21-aad”, Waa su'aalo iyo weydiimo taabanaya inta badan nolosha, ujeedku waa baraarujin iyo wacyigalin.

Waxaan ku halqabsaday saaxiibkay C/rixiin Hilowle Galayr, oo ka mida Hal-abuurka da’dayarta Waqtiyadan kuwa ugu firfircoon.

Waxaan filayaa inay dareenka Aqristayaasha Keydmedia soo jiidan doonto qalbigana la falgali doonto.

Dhanka kale waxay u furan tahay qofkii wax ku darsanaya si ay waxtar u yeelato ama u mira dhasho, warka yaanan idinku dheerayn ee aan idiin kala dhex boxo Idinka iyo Maansada ee ka bogasho wacan iyo aqris wanaagsan.


Silsiladda deelleyda
qarniga 21-aad
Maansada Dareen.

Dadweynoow is weydii
Ruuxii damiirliyo
Kii innaba dareenloow
Ku duljoogso deelkoo
Jawaabaha i deeqsii?.

Galayroow dabuub gabay
Mid daboolan oo xiran
Iyo hadal dahsoonoo
Aan doqoni garan karin
Nin da’ wayni sheegtiyo
Mid digrii u haystoo
Dhaqankeena duugga ah
Qof dareen leh mooye
Adigaan ka daalinoo
Weligaa u duubanoo
Dusha sare ka joogoo
Shacabkaaga daawada
Hadba geed ku dega’oo
Kii darxumo haleeshiyo
Kii diif iyo xanuun iyo
Nabarada dikaamaan
Ka damqada dhibkoodee
Sarbeebtaydan dadan iyo
Daalacan ku soo sheeg
Deelkana xasuusnoow
Danabooy ogsoonoow
Iyo deellay inaan furay.

Suugaanta doorka ah
Dirkeed baad ahaydoo
Adaa daajin jirayoo
Dookhaagu yahayoo
Doorbiday dhankeedee
Dacwad baan wadaayoo
Dood aan dagaal iyo
Dibindaabyo lagu darin
Daaha aan ka qaadee
Duco iyo quraan iyo
Digis iyo wax sheeg iyo
Waa danguude iga hoo:
Waxaan kuu dirsanayaa
Ma daaloow dadkeenii
Dabarsame dalkeenii
Degmo iyo dhulkeenii
Dareen loo riyaaqiyo
Aqbaar aan ku diirsado
Degdeg iigu ku keentaa
Dawo lagu bullaaliyo
Su'aalahan is dabayaal
Madaxayga daaliyey
Jawaabtood i deeqsii!

Ma digrigii xadradiyo
Wacdigiyo daruusteey
Ka durgeen wadaadadu?
Dariiqaan naqaaniyo
Dawgii culumadii hore
Miyay dacal mareenoo
Dan kale ku joogaan?.

Ma shisheeye diin iyo
Jihaad doojinaayaa
Dam ka siiyay beledkoo
Dab ku shiday dalkeenii?.

Ma dirirtiyo halaaggiyo
Dagaalkiyo colaaddaa
Dadku wada jeclaadoo
Xumahaa la doorbiday?.

Ma dalkaynu gadanoo
Dariskiyo shisheeyaha
Laga siistay Doollaroo
Dullaaliin ka wada nahay?.

Ma dan bay inoo tahay
dumarkiyo maatada
Da'yartiyo caruurtiyo
Duqowdaa la dhibayaa?.

Dalka iyo dadkiisii
Dirirta iyo colaadaha
Hubka diririgleeyaa
inta lala duljoogsaday
Aan ka daaya la lahayn?.

Ma damacaa xad dhaafoo
Dadkiibaa xumaadoo
Dawgii samaantiyo
Daacadnimo ka leexdoo
Dabinaa la dhigayaa?.

Ma dawgii samaabaa
Laga ooday dunidoo
Damiirkaan shaqaynoo
Dibnahaa la xirayoo
Runta daah la saaroo
Daacadnimo la’aan baa?.

Ma darajiyo xil uun baa
Loo wada dig leeyahoo
Danaystaynu wada nahay?.

Ma duf ku baxdii hore iyo
Habaarkiyo durayntii
Ducada aan la daba dhigin
Daa’inoow kan naga qabo
Wax door roonna noo keen
Dadku aanu wada dhihin
Dambiyadii la wada galay
Daa’in nagu ciqaaboo
Musiibaba na daba dhigay?.

Ma dunidoo la meeriyo
Dawarsiga shisheeyaha
Yaa daw saxa la moodoo
Door horumaroo yimid?.

Ma laashkiyo doomaha
Badaha daafaheediyo
Xeebaha dakadda leh
Af duub loogu gaystaa
Danta lama huraaniyo
Dowladnimo u aragnaa?.

Ma duur joogta nooliyo
Xoolahaa dabjoogtiyo
Geddigiis dugaaggoo
Diinaar la siistaa
Danta aynu moodnoo
Damaceenu wada yahay?.

Ma Dhirta oo la dubo' iyo
Geedaha dugaalka leh
Dhuxushoo la daabulo
Daaqoo xaaluf laga dhigo
Dalaggoo dab lagu shido
Kan digriiga haystiyo
Kuwa diinta sheegtiyo
Dowlad kii la baxa iyo
Mid kastoo dagaal wada
yaa layska daawanayaa?.

Maahmaah da'weynbaa
Waxa ay na daalicin
Dadku markuu dulloobo
Diirkood ma doorsamo
Dad ay u eeg yihiin
Dabciga iyo aqoontana
Wax ma dooriyaan bahal!

Ma ilmadan da'aysee
Daaman kayga qoysee
Dawyada ka falatiyo
Murugadan i dilataa
Laygu diirsadaayoo
Lagu wada il-doogsaa?.

Dhammaad.

Bashir M. Hersi - brdiraac@hotmail.com

Suugaanta Dr. Bashir M. Xirsi & C. Hilowle Galeyr Only on Keydmedia.net