Suuqa Bacadlaha Xamarweyne oo dib loo furay

Muqdisho (KON) Suuqa Bacadlaha Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray ka dib markii dib u habayn uu ku sameeyay maamulka gobalka.
Warar Keydmedia Online
Suuqa Bacadlaha Xamarweyne oo dib loo furay

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo ka qaybgalay munaasabadii maanta xariga looga jaray Suuqa ayaa wuxuu sheegay in xukuumada Soomaaliya ay soo dhowaynayso Suuqaan.

Wasiirka ayaa kula dar daarmay ganacsatada Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii suuqyo waawyn ay kaga hirgalin lahaayeen wadanka madaama ay horay suuqyo caynkaan oo kale ah ay kaga hirgaliyeen meelo badan oo ay ka mitahay magaalada Nairobi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo isna munaasibadda ka hadlay ayaa ganacsatada Suuqa Bacadlaha Xamarweyne u sheegay in ay ku dhiiradaan furitaanka goobahooda Ganacsi.

Suuqa Bacadlaha Xamarweyne ayaa ku dhawaad sodon sanno lagu shaqeyn, iyadoo uu sidoo kale ka badbaaday burburkii ku yimid xarumaha adeegga Bulshada ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho