Swan oo labo arin ku adkeeyay Madaxda Soomaaliya

James Swan wuxuu la kulmay Maanta Lafta Gareen, Qoor-Qoor iyo Guudlaawe.

Warar Keydmedia Online
Swan oo labo arin ku adkeeyay Madaxda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga Gaarka ee QM James Swan ayaa si gooni gooni ah ugula kulmay Xalane Maanta dhowr hogaamiye Maamul Goboleed, oo arrimo xasaasi ah kala hadlay.

Kulamada oo ahaa kuwa is-xigay ayaa Swan la yeeshay madaxda kala ah Lafta-Gareen, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Qoor-Qoor, Madaxweynaha Galmudug iyo Guudlaawe, Madaxweynaha HirShabeelle.

Labo arrimood ayaa saddexdooda ku adkeeyay inay ka shaqeeyaan, kuwaasoo kala ah in la joogteeyo wadahadallada inta laga gaarayo doorashadda iyo in la ilaaliyo qoondada Haweenka ee 30%, maadaama maamullada ay intooda badan xuquuqdaas dumarka hoos u dhigaan.

James Swan ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay inay go'aankeeda iyada u madax-banaanaato masiirkeeda siyaasadeed, taasoo lagu gaari karo doorasho qof iyo cod ah.

Ergayga ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Rooble iyo Madaxa Maamullada, si waqtigii lagu heshiiyay ugu qabsoonto doorashadda oo ka dhiman mudo 43 maalmood.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashadda oo ka badan $15 milyan, iyadoo lacagtaas aysan qasnadeeda ku jirin, oo laga sugayo gacmo shisheeye.

KEYDEMDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.