Swan oo ka hadlay geedi-socodka doorashadda Soomaaliya

Ergayga QM ayaa sheegay in xaaladda hadda Soomaaliya ku jirta ay uga bixi karto oo kaliya doorasho loo dhan yahay, oo xor iyo xalaal ah.

Warar Keydmedia Online
Swan oo ka hadlay geedi-socodka doorashadda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay geedi-socodka doorashadda dalka ee uu hormuudka u yahay Ra'iisul Wasaare Rooble.

Isagoo ka qeybgalayay Shirkii Antalya Diplomacy Forum ee lagu qabtay Turkiga 18-19-20-kii bishan ayuu Swan sheegay in dhameystirka howlaha doorashada waqtigii loogu talagay laguna salaynayo is afgarad ay muhiim u tahay Soomaaliya, si looga baxo xaaladda kala-guurka iyo jahwareerka siyaasadeed.

Wuxuu xusay in hadda meel fiican ay mareyso howsha doorashadda, laakiin loo baahan yahay in madaxa ay yeeshaan xiriir iyo wadatashiyo joogto ah, oo lagu hirgelinayo heshiiskii doorashadda 27-kii May lagu gaarey Muqdisho.

James Swan, oo ah madaxa howlgalka QM ee Soomaaliya [UNSOM], ayaa bogaadiyay Rooble shaqado uu wado, isagoo ku booriyay inuu xoojiyo latashiga saamileyda siyaasadda dalka si loo qabto doorasho wadar-ogol ah, oo si nabad ah ku dhacda.

Xukuumadda Rooble ayaa sameysay gudiyo doorasho, oo turxaan-bixintooda wali dood ka taagan tahay, kadib markii 33 xubnood oo kamid ah 67-dii ay soo gudbiyeen Mucaaradka laga saari waayay, taasoo keeni karta khilaaf natiijada doorashadda.

Mudo bil ah ayaa ka harsan waqtigii loo qabtay Rooble inuu doorasho ku qabto, waxaana lagu wadaa in Sabtida soo socota ay Muqdisho ku yeeshaan shir kale isaga iyo Madaxda Maamullada, waxayna u badan tahay in la kordhin doono waqtiga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.