Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Wuxuu Egayga ku tilmaamay tallaabada mid loo qaadey dhanka wanaagsan, islamarkaana wax badan ka bedelayso khilaafkii ka taagnaa doorashadda.
JOWHAR, Soomaaliya - Isagoo ku sugan Jowhar, ayuu Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan maanta soo dhoweeyay horumaradii ugu dambeeyay ee la xiriira doorashooyinka qaran ee dalka.
“Waan ku faraxsanahay inaan arko bayaanka saaka ka soo baxay Jubaland iyo Puntland, ee dhawaaqista xubnaha ku matelaya Gudiga Heer Maamul Goboleed, ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, waa go'aan soo dhaweyn leh oo loo qaadey dhinac xalka ismariwaagga doorashadda," ayuu yriri Swan.
Waxuu kaloo sheegay in uu la tashan doono Wakiiladda kale ee Beesha Caalamka, islamarkaana ay kasoo saari doonaan Saacadaha oo aadan jawaab wadajir ah oo ku saabsan magacaabista Xubnihii laga sugayay labada Maamul Goboleed.
Ergeyga wuxuu ka hadlayey kulan ay warbaahinta wada jir ugu qabteen isaga iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Magaaladda Jowhar, kaasoo uga hadleen arrimaha doorashooyinka dalka.
Swan ayaa mudooyinkii dambe safar ku marayaya gobollada dalka, isagoo booqday Baydhabo, Dhuusamareeb, Garowe iyo Jowhar, waxaana u dhiman Kismaayo, oo dhawaan uu tagi doono.
Kadib cadaadis uga yimid Beesha Caalamka, ayaa la sheegay in Jubbaland iyo Puntland ku qasabtay inay soo magacaabaan Xubnaha ugu matelaya Gudiga Doorashadda, oo horey u diideen, iyagoo ku xiray shuruudo adag, oo ay kamid yihiin in Ciidanka DF laga soo qaado Gedo iyo in lakala diro Gudiyadda doorashooyinka uu Rooble magacaabey December 2020.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments