Taabit Cabdi “Dalka uma baahna waqti lumid Siyaasadeed”

Taabit ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray ku sheegay in Soomaaliya xilligaan aysan u baahneyn waqti lumis siyaasadeed. 

Warar Keydmedia Online
Taabit Cabdi “Dalka uma baahna waqti lumid Siyaasadeed”

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, isagoona sheegay in Soomaaliya xilligaan aysan u baahneyn in waqtiga laga sii lumiyo.

Waxaa uu ku sheegay qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay in ay laga maar maan tahay in doorashada Soomaaliya waqtigeeda ku dhacdo.

"Marka la eego halka ay maanta Soomaaliya joogto, ma xamili karto waqti lumin siyaasaddeed, jahwareer doorasho iyo xifaaltan kooxeed. Ummaddeena intaas waa ka baahi badan tahay, waana ka maamuus weyn tahay." Ayuu Taabit kusoo qoray bartiisa Facebook. 

Taabit ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta tanasul, asigoo yiri "waxaana ku baaqeynaa in danta guud loo tanaasulo oo aan waqti kale laga lumin shacabka Soomaaliyeed ee indhaha iyo dhaggaha ku haya shanqarta siyaasiyiinta."

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 November 2020 19:41

"Saaxiibkey [Farmaajo] aniga waxaan aaminsanahay in doorashadda lala galo marabo, isagoo jaakad toshay, jaakadana isagay kaligiisa u gashaa, qof kale in loo geliyo ma rabo," ayuu yiri Shariif Xasan.