Taariikh nololeedka Cali Khaliif Galeyr

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Jig-jiga ku geeriyoodey siyaasiga Cali Khaliif Galeyr oo mar soo noqday ra'iisul wasaaraha dalka, sidoo kalena soo noqday madaxweynihii Maamulka Khaatumo State.

Warar Keydmedia Online
Taariikh nololeedka Cali Khaliif Galeyr

Cali Khaliif ayaa ku dhashay magaalada Laascaanood, sanadka markii uu ahaa 1942-kii.

Waxa uu waxbarashadiisii kusoo qaatay dusgiga lagu magacaabo Sheekh, isaga ka baxay jaamacadda 

Cali Khaliif Galeyr, waxaa uu ku dhashtay magaalada Laascaanood 1941. Cali Khalif waa shakhsiyad caan ah oo xilal badan kasoo qabtay dalka iyo dibadda, B.A (Honors) Boston University, Boston, M.A. sanadkii 1965-tii.

Waxaa M.A kasoo qaatay Jaamacadda University, Syracuse, N.Y sanadkii 1969-kii. isla Jaamacaddaas ayuu ka qaatay shahaadad ugu sareysa dunida ee loo yaqaano PH.D Syracuse University, Syracuse, N.Y  1972-dii.

Cali Khaliif ayaa qabtay shaqooyin badan, kuwaasi oo kala ah:

1965-1967 Waxaa uu Xafiiska Siyaasadda u qaabilsanaa Wasaaradda arimaha gudaha.

1970-1973 Waaxda tababar-ka ee Somali Institute of Public Administration (SIPA)

1973-1974 Agaasinta guud SIPA

1974-1976 Agaasinka Mashruuca Sonkorta ee Jowhar (SNAI)

1976-1980 Madaxa fulintam, Barnaamijka loo yaqaano Juba Sugar Project (JSP)

1980-1982 Wasiirka Warshadaha ee Dowladii Mohamed Siyaad Barre

1982-1984 Waaxda Arimaha Dibadda ee Harvard University, Cambridge, MA

1984-1986 Xarunta Daraasaadka Bariga dhexe, Harvard University, Cambridge, MA

1986-1989 Lataliyaha US Firms, USAID, U.N-ka qeybta hor-umarka

1989-1991 Assistant Professor Wax ka dhiga Public Administration . Maxwell, Syracuse, University, Syracuse, N.Y

1991-1994 Associate Professor, Qeybta Public Administration, Maxwell School, Syracuse University, Syracuse, N.Y

1994-1996 Professor-ka Public Administration and International Relations, Maxwell School, Syracuse University, Syracuse, N.Y

1996- 2000 Maamulahan , Sharjah, UAE

Cali Khalif waxaa uu ka mid ahaa wufuudii ka qeyb gashay shirkii dib u heshiisiinta Arte ee dalka Djabuti.

Oktoobar 8-dii 2000 ilaa oktoobar 28 2001 R/Wasaaraha Dowladda KMG ee Soomaaliya ee madaxda ka ahaa Madaxweyne Cabdiqasim Salaad Xasan.
2002 – 2006 Professor-ka ayaa wax ka dhigay University of Minnesota, Minnesota, USA

Cali Khaliif ayaa waxaa deegaanka Saax-dheer ee Sool loogu doortay Madaxweynimada Khaatumo 14-08-2014.
 Waxaa 28-08-2014-ka ayaa loo dhaarinayaa xilka madaxweynimada Khaatumo State.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.