Haweenka Soomaaliyeed oo ku Shiray Muqdisho

Muqdisho (KON) - Kulan ballaaran oo ay kasoo qeyb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada oo Shalay ka dhacay Xarunta Degmada War-Dhiigleey ee Magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay Tacadiyadda Haweenka Soomaaliyeed.
Warar Keydmedia Online
Haweenka Soomaaliyeed oo ku Shiray Muqdisho

Kulankaan ayaa ahaa mid looga hadlayay taciyada loo gaysto haweenka Soomaaliyeed gaar ahaana Kufsiga oo xilyadii danbe aad ugu soo badanayay magaalada Muqdisho gaar ahaana Xeryaha Bara kacayasha.

Deeqa Cabdulqaadir Guddoomiyaha Degmada War dhiigleey ee Magaalada Muqdisho oo halkaa ka hadashay ayaa tageertay Dareenkii ay soo bandhigeen haweenkii faraha badnaa ee kulankaas ka soo qayb galay iyadoona hoosta ka xarriiqday inaysan marnaba u dul qaadanayn Tacaddi kasta oo loo gaysto haweenka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa dhaleeceyn xoog leh u soo jeedisyay Ragga ka caada yeeshay falalkaas foosha xun iyadoona ku tilmaantay in haweenkii Ragga ay u Nadiifiyaan Guryaha iyo waddooyinka abaal marina looga dhigo Kufsi iyo tacaddi kale.

Guddoomiye Deeqa oo hadalkeeda sii wadata ayaa ugu baaqday dawladda in Tallaabo culus laga qaado cid kasta oo falkaas ku kacda lana waafajiyo amarkii Madaxweynaha dawladda Federaalka ee ahaa in Ninkii Ahaweeney Soomaali ah kufsada in la dilo.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay mid ka mid ah Culumaa’uddiinkii Kulankaas ka soo qayb galay isagoona ku dheeradaay Shareecada islaamku waxa ay ka qabto ama waxa uu xukunkiisu noqonayo qofkii ku kaca Xad gudubka intaa la eg.

Si kastaba haweenkii iyo qaybihii kale ee bulshada ee maanta halkaa isugu yimid ayaa taageeray go’aankii Xukuumadda hore uga soo baxay iyagoona ku baaqay in go’aankaas la dhaqan geliyo waxna laga qabto dhibaatooyinka weli sii soconaya ee loo gaysnayo haweenka Soomaaliyeed.

Wadanka // Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho