Tacsi: Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun

Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun, waxaa magaaladda Ankara ee dalka Turkiga ku geeriyooday Marxuum Prof. Jabriil Afrax Ayaanle.

Warar Keydmedia Online
Tacsi: Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun

ANKARA - Prof. Jabriil Afrax Ayaanle allaha u naxariiste, wuxuu ahaa shaqsi waqti badan galiyay barbaarinta iyo waxbarashada agoonta Soomaaliyeed xili dalku uu ku jiray marxalad adag. 

Allaha u naxariiste, marxuumka wuxuu ahaa shaqsi aad u wanaagsan oo u soo halgamay Afartankii sano ee lasoo dhaafay dalka iyo danyarta Nugul, wuxuuna wax badan kasoo qabtay hormarinta waxbarashada iyo caawinta arday gaareysa 30.000 Qaarkoodna ay maantay hayaan xilal Wasiirnimo.

Agaasimaha Keydmedia Online Cali Saciid Xasan oo ay saaxiibo ahaayeen marxuumka, wuxuu tacsi tiiraanya leh la wadaagayaa guud ahaan reer Afrax Ayaanle, gaar ahaan qoyska reer Jabriil oo ay u horeyso Hooyo Shugri. 

Sidoo kale waxaan illahey Subxaanulwatacaala ah ka baryeenaa in Eheladii iyo Qaraabadii uu ka tagay marxuum Prof. Jabriil uu Samar iyo Imaan ka siiyo, murugtaasnah Illahey ugu badalo Ajar iyo Xasanaad.

KEYDMEDIA ONLINE ayaa booqatay Prof. Jabriil toban sanno kahor: 

 

Cududaar: Waxaa suurta gal noo noqon weysay in dhamaan shaqsiyaadka tacsida loo dirayo iyo kuwa diraya magacyadooda la wada daabaco.

Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.