TACSI: Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun, Waxaa 29/06/2020 Magaalada Virginia ee Dalka Mareykanka ku Geeriyootay Marxuumad Caasho Xaaji Maxamuud Guuleed. 

Warar Keydmedia Online
TACSI: Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Marxuumad Caasho Xaaji Maxamuud Guuleed ayaa aheyd afadada (Xaaska) Danjire Ambs. Cabdullahi Axmed Caddow.

Agaasimaha Keydmedia Online Cali Saciid Xasan wuxuu tacsi tiiraanya leh la wadaagayaa guud ahaan Ehaladii ay ka geeriyootay Caasho Xaaji Maxamuud Guuleed gaar ahaan reer Ambs. Cabdullahi Axmed Caddow iyo caruurtii ay ka tagtay marxuumad Caasho Xaaji Maxamuud Guuleed.

Sidoo kale waxaan illahey Subxaanulwatacaala ah ka baryeenaa in Eheladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyootay Marxuumad Caasho Xaaji Maxamuud Guuleed Samar iyo Imaan ka siiyo, murugtaasnah Illahey ugu badalo Ajar iyo Xasanaad.

Waxaan kaloo tacsida la wadaageenaa dhamaan reer Caddow iyo reer Xaaji Maxamuud Guuleed oo ku baahsan dunnnida darfaheeda. Samir iyo imaan, Samir iyo Iimaan. 

Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 14 September 2020 23:49

    Keydmedia Online ayaa waxaa soo gaartay nuxurka Shirka Muqdisho ee Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo goor dhawayd lagu soo kala dareeray maalinkii Labaad.