Tacsi: Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun

Nairobi (Keydmedia) - Waxaa Xalay Isbitaalka Madina ee Magaalada Muqdisho ku Geeriyootay Xaajiyo Faadumo Ismaaciil Xasan Barre, waxaana geerida Marxuumada ay timid markii mudo ay xanuunsaneyd, Xalayna saqdii dhexe ay tii Alle u timid oo Illahay Ofsaday.
Warar Keydmedia Online
Tacsi: Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun

Ehelada, Qaraabada iyo Asxaabta waxaa tacsi u diriya bahda Shaqaalaha Keydmedia, maadaama Marxuumada ay walaala ahaayeen Agaasimaha guud ee Keydmedia Online ahna aas-aasaha warbaahinta Keydmedia mudane Cali Saciid Xasan.

Bahda Saxaafada oo tacsidaan direysa waxey dhamaantood ay muujinayaan sida ay uga xun yihiin geerida Marxuumada walow qadarta alle ay tahay mid lagama gudbaan ah, waxaana leenahay alle ha idinka ajarsiiyo dareenka aad la wadaagteen dhamaan Ehalada ay ka geeriyootay Xaajiyo Faadumo ismaaciil Xasan Barre.

Cududaar: Waxaan suurta gal noo noqon weysay in dhamaan shaqsiyaadka tacsida diraya magacyadooda la wada daabaco.

Wakiilka Xafiiska Keydmedia Online ee Nairobi

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]