TACSI: Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Muqdisho (KON) - Waxaa Isbitaalka Madina ee Magaalada Muqdisho ku geeriyooday, illaah naxariistii Nabadoon Cilmi Cali Bulaale oo ka mid ahaa Nabadoonada ama Salaadiinta Soomaaliyeed kuwa ugu waawayn.
Warar Keydmedia Online
TACSI: Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Xaaji Cilmi Cali Bullaale waxa uu ku Dhashay Gobalka Mudug Degmada Hobyo 1922-dii

Waxa uu Xamar soo galay 1941 ka dib waxa uu ka mid noqday Xubnihii ugu fir-fircoonaa Gobannimo Doonka Soomaaliyeed ee Ururkii La Oran jiray SYL, ururkaas oo Dalka Gaarsiiyay Gobannimada maanta aanku naaloonaynno. Waxa

uu shaqo ka bilaabay Otto Grubbo ama Bootiko ama sida soomaalida hadda u taqaano Xalane halkaas oo uu uga shaqeyn jiray Makaanik, ka dib waxa uu noqday Ganacsade Asagoo ka mid aha Raggi Asaasay Madaxna ka Ahaa Shirkaddii Weyneed ee la Oran Jiray Basso Mudug, taas oo ahayd shirkadii ugu weyneed ee dalka keeni jirtay qalabka dhismaha intii aysan la wareegin kacaanki 1972-dii.

Ganacsiga Xaaji Cilmi kuma uusan koobneyn Dalka ee waxa uu ahaa Dalka iyo Dibaddaba, Waxa uu Dalka ka Hir Galiyay Xaaji Cilmi Cali Bullaale Warshado Badan Sida Warshadda Rinjiga iyo Qasacadaha (SVILA). Warshadda Saxarla , Warshadda Pepsi Colla Hargeysa,Warshadda caanaha Hargeysa iyo kuwa kaloo fara badan.

Wuxuu kaloo ka mid ahaa Shirkadii Walaalaha Bullalayaal oo Ayaguna keeni jiray Raashiinka, Qalbka Dhismaha iyo Qalabka baabuurta taasoo ahayd Shirkadda ugu weyn ee ka Ganacsata Qalbaka Baabuurta marka laga Reebo FIAT. Burburkii ka dib Xaajigu waxa uu ka Qayb qaatay Nabadeynta iyo sida loo joojin lahaa Dagaalada Sokeeye ee Dalka Aafeeyay, waxaanu ku Dadaali jiray sidii loo Gaari lahaa Dowladnimo Qaran iyo Midnimo Soomaaliyeed taasoo uu ku Muteystay in ay Soomaalida intooda Badan ku Naynaasaan Caaqil Cilmi Cali Bullaale.

Xaajigu waxa uu ifka kaga tagay 2wiil, gabar iyo xaas,Waxaan Ilaahey Uga Baryeeynaa Dhamaan Qoyskii,Eheladii

Warbaahinta Keydmedia Shaqaalaheeda ku kala sugan Dunida Daafaheeda ayaa waxay Tacsi tiiraanya leh Hawada u marinayaan Eheladii iyo Asxaabtii uu ka Geeriyooday Marxuum Xaaji Cilmi Cali Bullaale.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]