TACSI: Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Muqdisho (KON) - Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun, Waxaa Galabta oo Taariikhdu tahay 06/05/14 Magaalada Muqdisho ku Geeriyooday Marxuum Maxamed Cismaan Kulmiye Cilmi Fagaas.
Warar Keydmedia Online
TACSI: Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Waxaa Tacsidaan tiiraanyadda leh diraya Mudane Xasan Maxamad Cali oo ku sugan Magaalada Dubai, oo marna tacsiyeenaya, marna kamid noqonaya Dadka loo tacsiyeenayo maadaama ay u dhaxdo Ayaan Cismaan Kulmiye.

Waxaa kaloo tacsidaan ka Qeybqaadanaya Cabdi Jaamac Abtidoon oo ah Gudoomiyaha Ganacsatada Beesha Habargidir ee Imaraadka Carabta, Dr.Hassan Abshir Baando, Maxamuud Abshir Baando, Caraaye Cabdi Hassan iyo Dhamaan Reer Cabdi Xasan, Ing. Hussein Yusuf Hassa, C/Siis Bire, Warsan Biree, Abshiro, Ximbil Axmed Kulmiye iyo Dhamaan reer Kulmiye.

Warbaahinta Keydmedia iyo Shaqaalaheeda ku kala sugan dunida daafaheeda waxay tacsi tiiraanya leh hawada u marinayaan guud ahaan Ehaladii uu ka geeriyooday arxuumka sida Cabdicasiis Cismaan Kulmiye, Maxamuud Cismaan Kulmioye iyo dhamaan reer Cismaan Kulmiye meel kasto oo ay Aduunka ka joogaan.

Sidoo kale waxaan illahey Subxaanulwatacaala ah ka baryeenaa in Eheladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyootay Marxuumka Samar iyo Imaan ka siiyo, murugtaasnah Illahey ugu badalo Ajar iyo Xasanaad.

Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]