Talaabooyinka Shirkadda SKA ay kula wareegeyso Dekada Muqdisho oo toos u bilowday

Muqdisho(Keydmedia) Mudooyinkii ugu danbeeyayba waxaa aad isu soo tarayay wararka sheegaya in qaab maamulka dekada Magaalada Muqdisho uu ka wareegi doono Dowladda iyo Amisom isla markaana lagu wareejin doono Shirka la yiraahdo SKA oo Maraykan ah.
Warar Keydmedia Online
Talaabooyinka Shirkadda SKA ay kula wareegeyso Dekada Muqdisho oo toos u bilowday

Arinkan ayaa kol hore waxaan ku ogaanay xog ay keydmedia ka heshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana maanta soo baxday wareegto muujineysa in xilkii Maareeyaha dekada Muqdisho laga qaaday Xasan Macalin oo mudo kooban xilkaasi hayay wareegtadaasi ayaa u qorneed Sida tan:

Ref:  xrw oooo . 326/0910                                      Tar. 01/09/2010

R/wasaraha Xukuumadda KMG ee Soomaaiya Markii uu arkay Dastuurka dalka ee 1960ki, markuu arkay Cahdiga KMG ee Dowladda, markuu arkay baahida loo qabo   toosinta ilaha dakhliga ee dowladda, markuu tixgilyay Aqoonta iyo Khibradda uu ximbaarsan yahay mudanaha magaciisu hoos ku xusan yahay, R/wasaraha jamhuuriyadda  Soomaaliya wuxuu soo saaray Dekareeto uu ku magacaabayo maareeyaha guud ee  dekadda Muqdisho.

1. Magacaabid.

Waxaa loo magacaabay Sayid Cali Macalin C/lle maareeyaha guud ee dekadda Muqdisho.

2. Wareejin.

Waxaa lagu wareejiyay Mudane Xasan Cali  Maxamed in uu dulsaar ku ahaado wasaaradda Shaqada iyo hormarinta Shaqaalaha inta dib loogu magacaabayo meel kale.

3. Dhaqan gelid.

Dekeraateedan waxay dhaqan galeysaa isla marka uu saxiixo R/wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saari doonaa  Faafinta rasmiga ah ee Dowladda.

Howl wacan

Mudane Cumar C/rashiid cali Sharmarke

R/wasaaraha Xukuumadda KMG ee Soomaaliya.

Ninka iminka loo magacaabay Maareeyaha dekada waxa ay xiriir dhaw leeyihiin Abuukar Cumar Cadaan, Eenow iyo Khadiijo Cosoble,waxaana ujeedada ugu weyn ee xilkan loogu magacaabay ay tahay inuu furdaamiyo danaha ay shirkada SKA ka leedahay dekada Magaalada Muqdisho.

www.keydmedia.net