Taliska Booliska oo ku eedeeyay Al-Shabaab dil ka dhacay Muqdisho

War kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska ayaa lagu eedeeyay in kooxda Al-Shabaab ay ka dambeysay falkii lagu dilay saddex dumar ah oo meydkooda lasoo dhigay degmda Dayniile ee gobolka Benaadir

Warar Keydmedia Online
Taliska Booliska oo ku eedeeyay Al-Shabaab dil ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidanka Booliska oo wad baaritaano ayaa si hor dhac ah u shaaciyay in dilkii ka dhacay degmada Dayniile ee lagu khaarajiyay saddex dumar ah ay dilkooda ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska ayaa sidan lagu yiri "Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay saakay saddex Dumar ah oo labo ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen! kuwaasoo ay toogteen xubno la rumaysan yahay inay Argagixiso yihiin."

Dilkii labaad ayaa ka dhacaya maalintii labaad magaalada Muqdisho, 13 Febaraayo ayaa lasoo dhigay meydadka afar ruux oo rag ah deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, 14 Febaraayo ayaa sidoo kale lasoo dhigay saddex haeen ah oo la dilay degmada dayniile ee gobolka Benaadir.

Warkan kasoo yeeray taliska ciidanka booliska waxa uu ku egyahay eedeyn, balse ma jirto cid loo qabtay falkan dambiga ah, lamana oga kooxda falkan geysatay halka ay aadeen, iyadoo meydka lasoo dhigay waaxda kur-damac oo ka tirsan degmada Dayniile.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.