Taliska Ciidamada Taraafikada Somalia oo maanta soo Bandhigay wax qabadkii 2013

Muqdisho (KON) -Taliska Ciidamada Ilaalada Wadooyinka Soomaaliya ayaa Maanta soo bandhigay waxqabadkii Sanadkii la soo dhaafay ee 2013.
Warar Keydmedia Online
Taliska Ciidamada Taraafikada Somalia oo maanta soo Bandhigay wax qabadkii 2013

Munaasabad lagu soo bandhigayey  wax qabadka  Ciidamada Ilaalada wadooyinka oo  ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay  Saraakiisha Ciidamada Dowladda ,kuwa AMISOM iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidamada Ilaalada wadooyinka  Cali Xirsi Bare Cali Gaab oo Munaasabada hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ay ka shaqeeyaan Ciidamada Ilaalada wadooyinka Muqdisho ilaa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Waxaa uu sheegay in Sanadkii laga soo gudbay ee 2013-ka ay Hormar badan sameeyeen Ciidamada Taraafikada,kuwaa oo ay ka mid yihiin ka hortaga Shilalka iyo in Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ay ka Hirgaliyeen Nalalka Gaadiidka kala haga ee Samaafaraha loo yaqaano.

Sidoo kale iimaan Nuur iikar oon ah Gudoomiye kuxigeenka Maaliyada Maamulka Gobolka Banaadir  ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si Hagar la,aan ah ay u la shaqeeyaan Ciidamada Ilaalada wadooyinka.

Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay dhibaato ku qabaan Gaadiidka kala duwan ee ka howlaga Magaalada Muqdisho,haba ugu badnaadeene Ciidamada Dowladda Soomaalia.

Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho