Taliska ciidanka xooga dalka oo sheegay in la midaynayo ciidamada dowlada ee ku sugan gobalada

Muqdisho (KON) Taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in dhawaan la isku daro ciidamada dowlada ee ku sugan gobolada dalka.
Warar Keydmedia Online
Taliska ciidanka xooga dalka oo sheegay in la midaynayo ciidamada dowlada ee ku sugan gobalada



Abaan duulaha ciidamada xooga dalka C/Rasaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in dhawaan ay qorsheynayaan sidii loo mideyn lahaa ciidamada dowlada ee ku sugan gobolada dalka, waxa uuna tilmaamay in ciidamadii aan tababar la heyn la tababari doono lana qalabeyn doono.

Wuxuu sheegay abaan duulaha in la doonayo in la soo dhooleeyo ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed ee lahaa cudada weyn lahaa sidaasi darteedna ay muhiim tahay in ay isbartaan ciidamada dowlada meel waliba oo ay joogaan.

C/Rasaaq Khaliif Cilmi ayaa hadalkani ka jeediyey xaflad kooban oo lagu sagootinayey qaar kamid ah ciidamada dowlada oo maalinnimadii shalay loo diray gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho