Taliyaha Ciidanka Haramcad oo hoygiisa lagu weeraray

Ciidamo ka tirsan Asluubta ayaa weeraray taliyaha oo degan xaafad ku taallo degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaan is rasaaseyn xooggan ay dhex martay ilaalada taliyaha iyo ciidamada weerarka ku soo qaaday. 

Warar Keydmedia Online
Taliyaha Ciidanka Haramcad oo hoygiisa lagu weeraray

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidanka booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa xalay fiidkii lagu weeraray hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Ciidamo ka tirsan Asluubta ayaa weeraray taliyaha oo degan xaafad ku taallo degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaan is rasaaseyn xooggan ay dhex martay ilaalada taliyaha iyo ciidamada weerarka ku soo qaaday.

Sarkaal la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in askartii soo weerartay hoyga taliyaha oo ka koobnaa ilaa iyo lix ruux la dhaawacay midkood, halka shanta kalena nolosha lagu qabtay, iyagoona loo taxaabay xabsiga Dembi Baarista ee CID-da.

Falkaan khaarijinta u ekaa ayaan la ogeyn waxa uu salka ku hayo, waxaana xusid mudan in dagaalka dhex maray ilaalada taliyaha iyo ciidanka Asluubta ee ku soo duulay xalay laga maqlayay nawaaxiga xaafadaha degmada Waaberi.

Farxaan Maxamuud Qaroole oo ah taliyaha ciidanka booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa howlgallo badan fuliyay, kuwaas oo lagu guuleystay, waxaana ka mid ahaa howlgalkii Dhuusamareeb looga saaray maaamulkii Ahlusunna Waljamaaca.

Ilaa iyo hadda falkaan kama hadlin hey'adaha amaanka.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.