NISA oo Taliye cusub u magacaawday Gobolka Gedo

Taliye cusub ayaa loo magacaabay Gobolka Gedo ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed NISA, xilii weli muran xooggan uu ka taagan yahay gobolkaasi.

Warar Keydmedia Online
NISA oo Taliye cusub u magacaawday Gobolka Gedo

GEDO, Soomaaliya - Taliyihii hore ee Nabad sugida Galmudug Gaashaanle sare Cabdi Maxamuud Jaamac (Cabdi Dheere) ayaa loo magacaabey taliyaha Nabad sugida Gobolka Gedo.

Gaashaanle Cabdi Dheere oo waqti badan ku soo jirey Nabad sugida Soomaaliya ayaa ka soo shaqeeyey goobo kala duwan oo bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ah, isagoo haatan loo magacaabay gobol uu muran xooggani ka taagan yahay.

Gobolka Gedo ayaa ka taagan muran u dhaxeeya xagga maamulka iyadoo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay geysay ciidamo, sidoo kalena dowlad goboleedka Jubbaland ayaa iyana cabasho ka keentay iyadoo ku doodeysa in Farmaajo si uu u maamulo 16 kursi oo xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS darteed uu halkaasi ciidan u geeyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.