Taliyaha CXDS: “Madaxdii hore waa dad aan maskaxdoodu nadiif ahayn”

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay ku lug lahaanshiyaha Ciidamada Xoogga Dalka ee dhacdadii 19 Febaraayo ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Taliyaha CXDS: “Madaxdii hore waa dad aan maskaxdoodu nadiif ahayn”

MUQDISHO, Soomaaliya - Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo ah Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, ayaa Madaxdii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihii hore ee wadanka Xasan Cali Kheyre iyo siyaasiyiin kale ku tilmaamay dad figrado gurracan ku jiraan oo aan siyaasiyiin la dhihi karin.

Wareysi uu bixiyay Jeneraal Odawaa, wuxuu ku dooday in siyaasaddu ciidanka hagto, taas uu ula jeedo in guud ahaan ciidamada dalka ay sharci iyo sharci darro ugu hoggaansan yihiin Madaxda Hay’adaha uu waqtigu ka dhamaaday, oo ay qaadanayaan amarka ka soo baxa Farmaajo iyo Fahmad Yaasiin.

“Haddii hay’adaha amnigu gacan uga baahdaan ciidanka xoogga dalka, waa waajib saran in ay garab istaagaan”. Ayuu yiri Odawaa.

Jeneraal Odawaa, wuxuu ku celceliyay “in dhacdada 19-ka Febaraayo aan la isla dareen saneyn” Wuxuu si yaab leh u inkiray weerarkii lagu qaaday Madaxdii hore oo qaar saq dhexe lagu duulay, halka qaar kalana ayaadoo la daawanayo lala dhacay rasaas noolnool.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, wuxuu si aan ka gambasho lahayn u sheegay in Madaxdii hore ee ku celcelineysa in ciidanku ku milmeen Siyaasadda ay yihiin, “Dad aan maskaxdoodu nadiif ahayn”.

Odawaa ayaa ka soo dhex muuqaday hoggaanka ciidanka xoogga, kadib  markii bishii August 2018, uu Farmaajo, xilkii ka qaaday inta badan hogaamiyayaashii guud ahaan Ciidamada Soomaaliya, waxaana isagoo Gaashaanle Dhexe ah xilliagaas Odawaa loo magacaabay xilka abaanduuliha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, oo laga xayuubiyay Jeneraal Cabdilaahi Cali Caanood.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.