Taliyaha Danab oo Xabsiga Dhexe loo wareejinayo

Macluumaadka ay Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in Taliyaha la qorsheynayo in loo wareejiyo xabsiga Dhexe oo ah halka la geeyo dadka lagu helo dembiyada culus sida xubnaha shabaabka ah ee la xukumo iyo kuwa kale.

Warar Keydmedia Online
Taliyaha Danab oo Xabsiga Dhexe loo wareejinayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa isi soo tarayo walaaca laga muujinaya xariga Taliyaha Komaandooska Soomaaliya Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo haatan u muuqdo mid nafsadiisa halis la geliyay, sida ay Keydmedia Online ka ogaatay Militeriga Soomaaliya. 

Xariga Taliyaha ayaa yeeshay wejiyo badan iyo arrimo Qabiil oo ku xeeran Siyaasadda khalafsan ee Soomaaliya, waxaana Macluumaad ay Keymedia Online sheegayaan in arintaan uu si toos ah uga dambeeyo Madaxweyne Farmaajo oo dagaal kula jiro saraakiisha ku heybta ah ama saaxiibka la ahaa Ra'iisul Wasaarihii hore Xasan Kheyre.

Keydmedia Online oo arintaan daba-gal ku sameysay ayaa ogaatay in arrimaha lagu heysto Taliye Cabdimaalik ay qeyb ka yihiin isfaham waa soo kala dhex-galay isaga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage. Macluumaadka Keydmedia Online heshay ayaa sidoo kale sheegaya in Taliyaha la qorsheynayo in loo wareejiyo Xabsiga Dhexe.

Madaxweyne Farmaajo oo ka faa'iideysanaya marxaladda kala guurka ah ee uu dalka galay ayaa bilaabay in uu darajooyin ka safo saraakiisha ay xigtada yihiin, kuwaas uu qaarkood boos uga raadinayo xilalka saraakiisha uu ugaarsanyo, islamarkaana xilalka ka qaadayo.

Guddoomiyaha Beelaha Hawiye Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad ayaa dhawaan fariin digniin ah u jeediyay Madaxweyne Farmaajo, isagoona sheegay in Taliyaha la doonayo in la shirqoole, balse taasi hadey dhacdo raga talada dalka ay saameyn xun la kulmi doonaan.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.