Taliye Cajaar Danow oo lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose

Taliye Cajaar Danow ayaa ku geeriyooday weerar gaadmo ah ay ku soo qaadeen Al-shabaab sida uu goob jooge u sheegay KON.

Warar Keydmedia Online
Taliye Cajaar Danow oo lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyihii deegaanka Danow ee degmada Qoryooley Aadan Cabulle (Cajaar Danow) iyo askari la socday ayaa ku geeriyooday weerar dhabbagal ah ay saaka ku soo qaadeen dagaalamayaal ka tirsanAl-shabab oo ku sugnaa agagaarka Buundada Dalbiyaanko.

Goob jooge ku sugan deegaanka Donow ee duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Keydmedi Online u xaqiijiyay geerida taliyaha, isagoona sheegay in Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku dileen taliyaha iyo askariga la socday.

Taliyaha iyo askariga ayaa la sheegayaa in ay sahan ku jireen xilliga la weerarayay kadib markii ay ka war heleen in xubno ka tirsan Al-Shabaab aagga ka dhow yihiin.

Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay taliska Milateriga Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed oo ku aadan weerarka saaka lagu dilay taliyaha iyo askariga la socday.

Ururka Al-Shabaab ayaa malaamihii la soo dhaafay kordhiyay weerarada iyo qaraxyada ay la beegsanayaan ciidamada iyo saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka, waxaana xusid mudan in labo maalin ka hor deegaanka Goof-guduud ee gobolka Baay lagu dilay saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.