Taliye ciidan oo lagu dilay Jowhar

Taliyaha ciidanka ilaalada guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa lagu dilay Qarax miino oo lala eegtay gaari uu saarnaa isaga iyo ciidankiisa.

Warar Keydmedia Online
Taliye ciidan oo lagu dilay Jowhar

JOWHAR, Soomaaliya - Qarax ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Jowhar we xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa lala eegtay gaari ciidan oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Hirshabeelle.

Qaraxaas oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay Taliyihii Ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mareyre Makaraan iyo Ciidamo la socday.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaa, waxaana la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha Shabeellaha Dhexe Taliye Dhicisow Maxamed.

Marxuumka ayaa meydkiisa laga qaaday goobta, waxaana soo gaaray halka ay wax ka dhaceen ciidamo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta waxaa ka dhacay iska hor-imaad geystay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh. 

Dagaalka ayaa la sheegay in uu billawday kadib markii rag ka tirsan Macawisleyda ay weerareen bar koontarool oo ku taalla dhinaca galbeed Magaala Madaxda Hirshabeelle ee Jowhar.

Dagaalkaan ayaa loo aaneeyay kadib markii Madaxtooyada Hirshabeelle ay xirtay qaar ka mid ah Madaxda Macawisleyda, waxayna doonayaan in ay gudaha u galaan Magaalada si ay u soo furtaan Maxaabiista.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.