Taliye ka badbaaday qarax lala eegtay

Qarax nuuciisu yahay miino waddada dhinaceeda la dhigay ayaa ayaa lala eegtay Taliye ka tirsan ciidanka Dowladda, kaasoo lala damacsanaa in lagu khaarajiyo.

Warar Keydmedia Online
Taliye ka badbaaday qarax lala eegtay

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogeyaal ku sugnaa goota uu qaraxa ka dhacay, waxaa la bartilmaameedsaday Taliyaha ciidanka ilaaada deegaanka Carabow, waxaana qaraxa ku dhaawacmay ilaalada taliyaha oo saddex kamida dhaawacooda laga qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ma jiro khasaare kale oo lasoo wariyay inkastoo laamaha ammaanka aysan ka hadalin weli oo aysan wax wara kasoo saarin, qaraxa ayaa ka dhacay degmada Shibis gaar ahaan meel udhaw Hotelka Orientel, waxaana la xaqiiijiyay in bar-tilmaameedka uu ahaa Taliyaha, inkastoo aan la xaqiijin in xilliga qaraxa lala eegtay gaariga uu saarnaa iyo inkale.

Qaraxyada nuucan oo kale ah waxaa inta badan geysta kooxda Al-Shabaab, walow aysan weli sheegan mas'uuliyadda qaraxa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.