Taliye Odowaa “Al-shabaab jab ayaa ku gaaray dagaalkii Galgaduud”

Taliyaha ayaa ku hanjabay iney sii wadi doonaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Warar Keydmedia Online
Taliye Odowaa “Al-shabaab jab ayaa ku gaaray dagaalkii Galgaduud”

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka warbixiyey dagaal ay ciidanka xoogga kula galeen Al-shabaab deegaanno ka tirsan Galgaduud.

Jeneral Odowaa oo la hadlay warbaahinta ku hadashay codka ciidamada qalabka sida, ayaa sheegay in dagaalkii ugu xooganaa ay Al-shabaab kula galeen maanta deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkaasi ayuu sheegay in ay Al-shabaab uga dileen 16 dagaallame, sidoo kalena ay hub badan ku qabsadeen.

Al-shabaab waxaan ka dilnay 16 qof, dagaalkana wuxuu xooggiisa ka dhacay deegaanka Bulacle, waxaana sidoo kale ka qabsannay hub badan, dagaalkii maanta jab xooggan ayaa ku gaaray Al-shabaab

Dhanka kale, taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa ku hanjabay iney sii wadi doonaan dagaallada lagu baacsanayo Al-shabaab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay waxay howlgallo ka wadeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.