Taliye Shub oo fashilay sir uu damacsanaa Fahad Yaasiin

Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan, ayaa markii uu Muqdisho yimi wuxuu la kulmay nin ka socda Madaxtooyada oo ahayd halkii wax ka tirsanaysay waxaana uu ninkaa ku sheegay - Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyihii hore NISA.

News Keydmedia Online
Taliye Shub oo fashilay sir uu damacsanaa Fahad Yaasiin

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyahii hore ee Ciidamada Asluubta, haddana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa daaha ka qaaday hadal sir ahaa oo dhex maray isaga iyo agaasimihii hore ee hay’adda NISA, eedeysane Fahad Yaasiin shan sano ka hor.

Xildhibaan Mahad, oo dadka qaar u yaqaannaan Taliye Shub, oo ugu horreeya Xildhibaanno iyo saraakiil u qalab qaatay in ay kursiga ku sii hayaan Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa sheegay inuu hore Fahad Yaasiin iyo kooxdiisii uga diiday in ay xilka ka raacdeeyaan Shariif Xasan Sh. Aadan.

Sida uu sheegay, xilligii uu ahaa taliyaha qaybta Baydhaba, ayaa looga yeeray Muqdisho, waxuuna kulan qarsoodi ahaa la qaatay, Fahad Yaasiin, kaasoo u sheegay in ay Xukuumaddii xilligaas jirtay dooneyso in ay dumiso maamul Gobolleedyada, isagu u khatar ku yahay qorshahaas, gaar ahaan burburinta maamulka KGS.

“Fahad oo macawis, go' shaala iyo bakoorad wata oo lugaynaya ayaa ii yimid, wuxuuna ii sheegay in ay iigu yeereen maamul gobolladeeddii jiray ayaan rabnaa inaan burburinno, kan agtiinna ah baana noogu daran. Ninkii aannu soo dirnana adiga ayuu dacwo kaa keenay, oo wax lagaa wadi la' yahay? Waxaad uga dan leedahay sheeg?” ayuu sheegay Taliye Mahad.

Hadalkaan oo saacadihii danbe si weyn u faafay, ayaa bannaanka keenaya qorshihii federal diidka ee Farmaajo, Fahad iyo Kheyre heshiiska ku ahaayeen,  kaasoo sababay in Maamullada iyo Dowladda dhex laf dhuun gashay isku noqdaan, isla-markaana kooxdii Farmaajo hoggaamiyay ku qasabtay in ay shaqsiyaad iyaga u adeegaya geeyaan kuraasta ugu sarreeya maamullada qaar.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
News 30 June 2022 22:08

Kenya hosts the largest Somali community in the region that has heavily invested in Nairobi with nearly half-million refugees had been living in Dadaab, the world’s biggest refugee camp in the world since 1992.