Taliye u xirnaa Farmaajo oo xilkii laga qaaday

Farmaajo ayaa bilaabay kala cayrinta dhallinyarada dalka wax galka u ah.

Warar Keydmedia Online
Taliye u xirnaa Farmaajo oo xilkii laga qaaday

Waxaa xilkii laga qaaday taliyahii ciidanka Kumaandooska ee Danab, Ismaaciil C/maalik Maalin, kaasi oo muddo Bil ah ku xirnaa xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, kadib ammar uu soo bixiyey madaxweyne Farmaajo.

Waxaa xilkan loo magacaabay Gaashaanle Axmed C/laahi Nuur oo kasoo jeeda degmada Ceel-buur Galgaduud, wuxuuna ka tirsanaa ciidanka Milatariga DFS.

Taliyaha xilkan laga qaaday ayaa ah wiil dhallinyaro ah oo fir-fircoon, kaalin weynna ku lahaa qabashada deegaanno ka tirsan Sh/hoose oo Al-shabaab laga saaray.

Markii hore waxa uu Farmaajo doonayey in taliyahan uu ku bedalo shaqsi ay isaga isku beel yihiin, hase ahaatee waxay arrintaasi wada qabsatay baraha bulshada, taasi oo keentay inuu arrintaasi ka tanaasulo.

Lama oga Farmaajo waxa uu ku haysto Liibaan, hase ahaatee waxgarad uu ka mid yahay Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in la doonayo Liibaan in loo wareejiyo xabsiga dhexe si shirqool ahaan loogu dilo halkaas.

Dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa waxaa ragaadiyey musuq iyo qabyaalad, iyadoo Muqdisho dhexdeeda dadka lagu baado, looguna awood sheegto shaarka dowladda.

Farmaajo ayaa ololihiisa kusoo galay in dalka uu ka qaban doono musuqa, balse dowladdiisa ayaa dhibco badan oo musuq ah uruursatay, taasi oo taariikhda qori doonto.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.