Taliye Xijaar oo markaan Miyirkii u soo laabtay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Tali Xijaar ahna mas'uulka ugu sarreeya amniga doorashooyinka ayaa billaabay inuu booqdo mas'uuliyiinta mucaaradka kaddib qalalaasihii muqdisho ka dhacay.

Warar Keydmedia Online
Taliye Xijaar oo markaan Miyirkii u soo laabtay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa Hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho waxaa uu ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliueed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Taliyaha ayaa billaabay booqasho uu ku tagayo guryaha ay daggan yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka kaddib markii ay meesha ka baxday arrintii muddo kororsiga ee sababta unoqotay in magaalada lagu dagallamo oo dad badan oo shacab ahna ay ka barakacaan guryahooda. Kulan maanta dhex maray taliye Xijaar iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa looga wada hadlay  Amniga doorashooyinka iyo ahmiyadda ay Boolisku u leeyihiin.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliueed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xalay waxaa uu Hooygiisa uu ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamed, iyaga oo ka wada hadlay amniga musharixiinta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.