Taliye Xijaar oo gaaray Puntland

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Cabdi Xasan Xijaar oo ku guda jiray safarradii uu ku marayay gobollada dalka ayaa galabta wuxuu gaaray Xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe.

Warar Keydmedia Online
Taliye Xijaar oo gaaray Puntland

GAROOWE, Soomaaliya - Taliyaha Booliiska Soomaaliya ahna Guddoomiyaha guddiga amniga ee doorashooyinka Qaranka ayaa safarkiisa goboladda ee loogu kuur galayo habsami usocodka shaqada Booliiska waxa uu maanta ku tagay magaaladda Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

S/G: Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in qorshaha hormarinta Booliska ee 2020-2021 loo dajin doono habraac lagu homarinaayo howlaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyada oo ciidanka isbadal weyn lagu sameeyay sida uu sheegay, "sanadkan dhammanaya amniguna uu soo wanagsananaya" ayuu yiri taliye xijaar oo la hadlayay mas'uuliyiintii kusoo dhaweysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

Booqashadan ayaa waxay kusoo aadeysaa xilli dalku uu galayo doorashadii labada aqal ee Baalamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale doorashadii madaxweynaha dalka oo loo qorsheeyay in ay dhacdo billowga sanadka 2021, waxaana taliyaha uu u gogol xaarayaa sidii loo wanaajin lahaa howlaha hor yaala Booliska ee ku aaddan doorashooyinka dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.