Xijaar oo la kulmay Danjiraha UK ee Soomaaliya

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Xijaar ayaa kulan kula qaatay xafiiskeeda Danjiraha Boqortoyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ms. Kate Foster.

Warar Keydmedia Online
Xijaar oo la kulmay Danjiraha UK ee Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Janaraal Cabdi Xasan Xijaar, iyo danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ku kulmay maanta magaalada muqdisho, waxa ayna ka wada hadleen sugidda amniga doorashooyinka oo ciidanka booliisku ay lafdhabar u yihiin nabadgeliyadda wadanka iyo xoojinta taageerada UK ay siiso booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa dowladda Ingiriiska ku ammaanay taageerada ciinka Booliska Soomaaliyeed ay siiyaan, sidoo kale Kate ayaa shaqada wanaagsan ee ay hayaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku ammaantay, waxayna kula dardaarantay in door weyn oo wanaagsan ka qaataan doorashada dalka ee dhawaan la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya.

Taliya Xijaar ayaa ah mas'uulka ugu sarreeya dhinaca amniga ee doorashooyinka dalka, waxa ayna kula dardaarantay in ay iska ilaaliyaan in ay ku milmaan siyaasadda.

Dowladda Ingiriiska ayaa kamida waddamada taageera ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyagoo bixiya mushaaraadka ciidanka iyo sidoo kale tababarro ay helaan ciidamda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.