Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Mudo 24 saac kadib ayuu ka hadlay weerarka Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka General Axmed Maxamed Tareedisho, isagoo shaaciyay inta uu la egyahay khasaaraha kasoo gaarey Ciidanka Qaraxa Ismiidaaminta ahaa.
MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga dalka General Axmed Maxamed Tareedisho, ayaa maanta ka warbixiyay sida uu u dhacay qaraxii dhalay lagu weeraray saldhig Ciidan oo ku yaalla nawaaxiga Stadium Muqdisho.
Isagoo la hadlayay warbaahinta Dowladda, ayuu taliyaha sheegay in labo askari ay uga dhinteen weerarka argagaxiso, islamarkanaa ay ku dhaawacmeen 7 qof, oo u badan dad shacab ah oo goobta ka agdhawaa.
Qof waday Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa isku dayay inuu saldhiga ku galo, balse waxaa lagu fashilayay albaabka, kadib markii askarta ay rasaas ku fureen kadibna uu qarxay, sida uu sheegay Tareedisho.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku dishay 24 askari, balse waxaa sheegashadooda beeniyay taliska Ciidanka qeybta 27aad.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments