Madasha Musharraxiinta oo doortay Taliyaal

Madasha Musharaxiinta ayaa Caawa doortay taliyaasha ammaanka Musharaxiinta, sida ay KON ogaatay. 

Warar Keydmedia Online
Madasha Musharraxiinta oo doortay Taliyaal

Madasha Musharrxiinta doorashada 2021 ayaa ku dhawaaqay taliyeyaasha Musharraxiinta, kuwaasi oo ka shaqeyn doona sugista ammaanka Madasha, sida ay ogaatay Keydmedia Online.

Macluumaadka ay Keydmedia Online ka haleyso Xildhibaanno ayaa sheegaya in taliye ilaalada Musharraxiinta loo magacaabay Maxamuud Ismaaciil Koronto, halka taliyaha howgalkana loo magacaabay General Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde.

Maadaama musharraxiinta ay ka waayeen dowladda Federaalka iney xil iska saarto ammaankooda, sidoo kalena kalsooni lagu qabi waayey ciidamo hoostaga Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa keentay in musharraxiinta amnigooda sugtaan.

Musharraxiinta kaso horjeeda Farmaajo ayaa sameynaya isku tashi ballaaran, iyaga oo ka baaraan-degaya wax walbo oo ka imaan kara dhanka Fahad iyo Farmaajo.

Warkaan ayaa la fillayaa in si rasmi ah loo shaaciyo saacaddaha soo socda. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.