Taliyiha degmada Shibis oo ku biiray ciidanka gadoodsan

Taliyaha Ciidanka Booliiska degmada Shibis Farxaan Jaraaye, ayaa ka baxay garabka Dowladda, wuxuuna u wareegay dhanka ciidanka taabacsan mucaaradka ee ku sugan degmada cabdicasiis.

Warar Keydmedia Online
Taliyiha degmada Shibis oo ku biiray ciidanka gadoodsan

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Booliiska degmada Shibis oo lagu magaacabo Farxaan Jaraaye, ayaa dhawaan ku biiray ciidamada ku sugan degmada Cabdicasiis ee ka soo horjeeda muddo kororsiga 12-kii bishaan Aqalka Hoose uu u sameeyay hay’adaha Dowladda.

Taliyahaan oo wata ciidamo ka amar qaata ayaa ku biiray Milateriga gadoodsan, wuxuuna sheegay inuu ka xumaaday dagaalka siyaasadeysan uu Farmaajo ka billabay Caasimadda, wuxuuna si cad u sheegay inuu garab taagan yahay, ciidanka diiddan muddo kordhinta.

Farxaan Jaraaye, oo ka mid ahaa saraakiil uu isku shaandheynta ku sameeyay Taliyaha Booliska Soomaaliya Xijaar, 15-kii bishaan, ayaa loo magacaabay xilligaas taliyaha Saldhigga Booliska degmada Shibis ee goboolka Banaadir, waxuuna ka hor ka mid ahaa saraakiisha Saldhiga Booliska Yaaqshiid.

Farxaan Jaraaye, wuxuu saaxiibadiis iyo saraakiisha dhiggiisa ah ugu baaqay in ay garabkiisa istaagaan, diidaanna damaca Farmaajo ee muddo kordhinta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].