Taliyihii Ciidanka DANAB oo lasii daayay

Taliyaha Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo lagu soo eedeeyay falal la xiriira Musuq maasuq ayaa la sii daayay 

Warar Keydmedia Online
Taliyihii Ciidanka DANAB oo lasii daayay

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida lagu daabacay warbaahin ku hadasha Afka ciidamada Qalabka sida waxaa xorriyaddiisa dib u helay Taliye lagu soo eedeeyay inuu musuq maasuq geystay kaasoo hoggaaminayay ciidamada uu tababarka siiyo islamarkaana hoos taga Ciidamada Mareykanaka ee fadhigoodu yahay Soomaliya.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku eedeeyay wax is daba Marin “Musuq” iyo Isticmaalka Awood dheeri ah oo uusan la ogeyn Taliska sida ku tagrifal hub cadowga laga soo furtay.

Gen. Odowa Yusuf Raage ayaa shaqa joonin ku sameeyay September Sideedii Sanadkan Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik, Sidoo kale Taliska  ayaa Ismaaciil ku xanibay Xarunta  Military-ga.

Bartimihii October ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida eed ka dhan ah Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik taliyihii hore ee Danab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo Awood u leh dhaqaajinta Dacwadaha ayaa Gal Dacwadeed Gaashaanle Ismaaciil kala wareegay Hogaanka Baarista Military-ga, waxaana xilligaas loo taxaabay Xabsiga Dhexe ee Xamar Gar-suge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu shaqa wanaagsan ka qabtay howlaha loo igmaday balse uusan taliskiisa Ogeysiis ka siin howlahaasi.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dambeyn Amartay in Xorriyadiisa dib loogu Celiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Taliyihii Danab hadii aysan jirin Dambiya kale oo loo haysto.

Dad badan ayaa aaminsanaa in xarigga iyo xil ka caaqidsta Taliyaha Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ay ku timid arrin la siyaasadeeyay, taasoo uu ku lug leeyahy Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u magacaabay taliska qeybtaasi sarkaal ay isku hayb yihiin.

Qorshaha ugu weyn ayaa ah in Madaxweyne Farmaajo uu awood ku marooqsado talada dalka ee uu muddo xileedkeedu ka dhammaaday.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.