Taliyihii hore ee Nisa oo Muqdisho lagu rasaaseeyay

Jenaraaal, Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare, oo ka mid ah Madaxdii hore ee Hay’adda NISA, ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil, kadib rasaas ciidaka Dowladdu hugiyeeen gaarigiisa.

Warar Keydmedia Online
Taliyihii hore ee Nisa oo Muqdisho lagu rasaaseeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyihii hore ee hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ‘NISA’, Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare, ayaa xalay ka badbaaday rasaas ay ciidamo ka tirsan Dowladda ku fureen gaarigiisa oo marayay isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicasiis.

Jeaneral Cabdiraxmaan Tuuryare, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada rasaaseeyay aysan ka tirsaneyn booliska Gobolka, isla markaana ahaayeen kuwo cusub oo xalay la keenay qaar ka mid ah Isgoosyada degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Taliyihii hore ee hey’adda, NISA, wuxu sheegay in falkaan uu ahaa mid abaabulan, qorshuhuna ahaa mid khaarijin ah, wuxuuna tilmaamay in ay fuliyeen Ciidanka loo yaqaan Duufaan.

“Waxaan aad uga xumahay in ciidankii aan soo dhisay oo dhibkaan ogaa ka soo maray in ay caawa gaariygeeyga xabadeeyaan, musuuliyad darrada intaas la eg, hadii ay iyaga ka timid iyo saraakiisha meesha joogtay iyo haddii ay masuuiyiinta sare ka timid waa la ogaan donaa”. Ayuu yiri, Tuuryare.

Dhawaan ayay ahayd marki Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu degay xafada Miranaayo ee degmada Cabdicasiis, waxaana xalay ilaa shalay halkaa laga dareemayay dhaqdhaqaaq ciidan oo Dolwaddu waddo.

Jeaneral Cabdiraxmaan Tuuryare , Waa sharci yaqaan ahna hogaamiye militari. Wuxuu horey u soo qabtay xilka Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Suggida Qaranka Soomaaliya, iyo sidoo kale Taliyaha Maxkamadda Sare ee Militariga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.