Taliyihii NISA ee Dhuusamareeb oo Qarax lagu dilay

Waxaa qarax miino lagu dilay AUN Taliyihii Nabad Sugidda NISA ee magaalada Dhuusamareeb, qaar kamida ciidamadii la saarnaa gaariga taliyaha ayaa iyagana geeriyooday

Warar Keydmedia Online
Taliyihii NISA ee Dhuusamareeb oo Qarax lagu dilay

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa qarax miino oo loo dhigey gaawiri la socotay Taliyihii Ciidanka NISA ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiiq doon (Qooje) iyo Askar ilaalo u aheyd oo marayay meel ku dhow Deegaanka Ceeldheere oo 30km ujira Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb lagu dilay.

Dilka sarkaalkan ayaa yimid kaddib markii uu safar dhulka ah uu ku tagay deegaanka Ceeldheere oo ka tirsan degmada Dhuusamareeb, waxaana lagu soo warramayaa in taliyaha iyo ilaaladiisa ay soo gaareen dhimasho iyo dhaawac, dhimashada ayaa la sheegay afar askari oo uu kamid yahay Taliye Qooje ayaa ku geeriyootay Keydmedia Online ayaa xaqiijinaya geerida taliyaha uqaabilsan hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed NISA magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.