Taliyihii Saldhigga Yaaqshiid oo ku biiray ciidamadii gadoodsanaa

Taliyihii saldhigga Booliska degmada Yaashqiid Gaashaanle Farax Cadaani ayaa kamida noqday saraakiisha ciidanka ee ka gadoodsan muddo kordhinta madaxweyne Farmaajo loo sameeyay

Warar Keydmedia Online
Taliyihii Saldhigga Yaaqshiid oo ku biiray ciidamadii gadoodsanaa

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid Gaashaanle Faarax Cadaani Maxamed ayaa isna ku biiray ciidamadii hore ee ka gadooday muddo kororsiga, bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu kusoo qoray farriintan:

"Anigoo ah Taliyaha Booliiska dagmada yaaqshiid Gashaanle Faarax Cadani Maxamed, kaddib markii aan arkay beegsiga lagu haayo madaxdii hore ee soo xukuntay dalkaan oo si dimuquraadiyad ah ku wareejisay xukunka iyo Taliyaha Booliska qeybta guud ee gobalka banaadir General Saadaq Cumar Xasan, sidaas darteed waxaan go'aan saday in aan ka hor tago muddo kororsiga sharci darrada ah oo ay tiro yar oo baarlamaanka kamid ah ku ansixiyeen."

Waxa uu baaq u diray madaxda dowladda ugu sarreysa gaar ahaan madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo waxa uuna yiri "Hadii aan nahay saraakiisha Ciidanka Booliiska soomaaliyeed waxaan ugu baqeynaa Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu doorasho wada ogol ah oo lagu wadaqanac sanyahay qabto kuna laabto Miiska wada hadalka." 

Shalay waxaa ku biiray ciidanka gadoodsan taliyaha saldhigga booliska degmada Shibis, waxa uuna la hadlay warbaahinta isagoo sheegay inuusan raalli ku ahayn waxa loogu yeeray muddo kordhinta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].